Sharci-yaqaan u dhashay Canada ayaa sheegay in codsi magangalyo ay sameeyeen qoyska wiil saddex jira ah oo Suuriyaan ah oo ku dhintay biyaha Turkiga Arbacadii.
Laakiin Fin Donnelly waxa uu sheegay in codsigaasi oo ay gudbisay wiilka eedadii oo ku nool Vancouver ay diideen saraakiisha waaxda socdaalka ee Canada.
Sawirrada meydka wiilkaasi oo la yiraahdo Alyan Kurdi oo ay soo tuftay xeebta meel u dhaw goob lagu dalxiiso ayaa aad loo soo saaray bogagga bulshada.
Wiilka, walaalkii oo shan jir ahaa iyo hooyadii dhammaantood waxay ku geeriyoodeen iyaga oo ku jira safar ay ugu socdeen Kos kadib markii ay ka soo qaxeen gurigooda oo ku yaallay magaalada Kobane ee waqooyiga dalka Suuriya.