spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeXaalad Adag Oo Laga Soo Sheegayo Soomaalida Ku Sugan Yemen
Array

Xaalad Adag Oo Laga Soo Sheegayo Soomaalida Ku Sugan Yemen

Dalka Yemen waxaa ka socda dagaallo iyo duqeymo, kuwaasi oo galaaftay nolosha dad badan oo Shacab ah.

Waxaa dalkaasi ku nool kumanaan qof oo Soomaaliyeed, kuwaa oo kala firxaday markii dushooda dagaalladu ay ka qarxeen, iyadoo dadka badi ay go’doon galeen, halka dadka waxyeelada soo gaartay Soomaaliya ay ku jiraan.

Samsam  Maxamuud Axmed ku sugan dalkaasi ayaa u  sheegtay Hiiraanweyn  in Soomaalida Dalkaasi ku sugan ay galeen Xaalad Jahwareer ah isla markaana loo baahan yahay in loo soo gurmado.

Dhibaatada Dalka Yeman ayay  ku sifeysay  xaalad aan hore loo arag, hadii aan Soomaalida laga soo bixina waqtiga dhaw ay adkaan doonto sidii loo soo saari lahaa.

Dadka qaar ma haystaan raashiin, biyo iyo waxyaabo badan oo nolosha muhiim u ah, iyadoo dadka dhibaataysan aysan ahayn Qaxootiga Soomaaliyeed oo kaliya balse ay ku jiraan Soomaali muddo badan halkaasi deegaan ku ahaa.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa looga baahan yahay in ay isku gurmadaan, dhexdana u xirtaan sidii shacabka Soomaaliyeed ay dib ugu soo celin lahaayeen shacabka Soomaaliyeed dalkooda.

 

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular