spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeXamaas oo lagu eedeeyay inay gaysatay xadgudyo
Array

Xamaas oo lagu eedeeyay inay gaysatay xadgudyo

Hay’adda Amnesty International ayaa ku eedeysay kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas olole waxshinimo oo ah afduub, jirdil iyo dil ka dhan ah rayidka Falastiiniyiinta ee Qaza.

Hay’addu waxay sheegaysaa in xadgudubyada la gaystay intii uu socday dagaalkii ay la galeen Israa’iil sannadkii hore.

Amnesty ayaa diiwaan galisay in ka badan 20 dhacdo oo ay ku sheegtay dilal ka baxsan sharciga.

Waxay sheegtay in tiro badan oo ka mid ah kuwa la jirdilay ay xubno ka ahaayeen ururka uu xafiiltanku kala dhaxeeyo ee Fatax.

Amnesty waxay sheegtay in arrintaasi ay tahay mid laga naxo.

xamaas

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular