spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeXarakada Al-shabaab oo Weerar ku qaaday Magaalada Kismaayo
Array

Xarakada Al-shabaab oo Weerar ku qaaday Magaalada Kismaayo

Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Caasimadda Jubbaland ayaa Xalay waxaa ka dhacay  Dagaal Cusus oo u dhexeeya Ciidamada Jubbaland iyo Kuwa Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii Al-shabaab ay weerar ku soo qaadeen fariisimo Ciidamada Jubbaland ay ku leeyihiin Magaalada Kismaayo.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Dagaalka uu geeystay Khasaaro Dhimasho iyo Dhaawac ah oo soo gaaray Labada Dhinac.

Dagaalka ayaa ka dhacay xarunta Akadeemiyada oo Qiyaastii 9 KM u jirta Xarunta Madaxtooyada  Jubbaland,waxaana Dagaalkaasi sheegtay Al-shabaab Mas’uuliyadiisa.

Mas’uuliyiinta Jubbaland wali kama hadiln Dagaalka Xalay ka dhacay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.al shabab

 

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular