Iyadoo intii lagu guda jiray Afurka ay Magaalada Muqdisho Hotelo ku yaala ay ka dhaceen Qaraxyo ismiidaamin ah iyo Weerar Toos ah ayaa Al-shabaab waxaa ay sheegeen in ay Weerar ku qabsadeen Hotelo ku yaala Wadada Maka Al-mukarama.
Saraakiil ka tirsan Al-shabaab ayaa Wakaalada Wararka ee AP u sheegay in Hotelada Siyaad iyo Weheliye ay Gacanta ku hayaan Dagaalameyaal ka tirsan Shabaab.
Al-shabaab ayaa sheegay in ay ku dileen Weerarkaasi Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Sarakiil Ciidan.
Laamaha Amaanka Soomaaliya wali wax war ah kama soo saarin Weerarada Caawa ka dhacay Hotelo Caan ah oo ku yaala Magaalada Muqdisho,lamana oga Khasaaraka Weerarka lagu qaaday Hotelada.