Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay Federaaleenta Dalka in ay mareeso meel gabagabo ah islamarkana ay u baahantahay in la ilaaliyo si looga guul gaaro isagoo soo hadal qaaday Qilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Maamulka Jubbaland iyo Dowladda Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa sheegay in wada hadal ay u socdaan Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Jubland waxana uu sheegay in laga Wada Hadlayo Dhameestirka Maamulkasi iyo Xalinta is af garan waaga jira.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in si Xowli ah uu ku socdo Hananka Dowlad Dhisida Soomaaliya waxa uu carbaabay meel gabo gabo ah in ay marayaan Dhameestirka Xildhibnada Baarlamanka Maamulka K/galbeed kaas oo uu sheegay Dowlada iyo dadka Daga Dagaanadaasi in si wada jir ah ay uga shaqeenayaan arinkasi.
Maamulka Jubaland oo ka mid ah Maamuladda ka jira Dalka ayaa Maalinta Bari ah waxaa lagu wadaa in Madaxweyne ay doortaan lamina oga waxa hadalka Madxweynah uu ka badali karo shaqooyinka iminka ay Wadan Gudiga Doorashooyinka Jubaland.