Ciidamada ilaalada Liibiya ee Bada ayaa Qabtay in ka badan 600-qof oo tahriibayaal Soomaali iyo Ajaanib ahaa oo doonayay inay doonyo u raacaan dalka Talyaaniga.
Afhayeen u hadlay Ciidamada Badda Liibiya, Maxamed Al-Qawaali ayaa qaar ka mid ah warbaahinta ugu sheegay Tripoli in tahriibayaasha la qabtay ay u badnaayeen Afrikaan ay ku jiraan Haween Xamiilo ah iyo caruur aad u da’yar, isagoo xusay in xilliga la qabanayay ay isku diyaarinayeen inay ka raacaan xeebaha Liibiya doomo si ay Talyaaniga u gaaraan.
Mr’Al-Qawaali ayaa sheegay in Dadka la qabtay oo 600 oo ruux ah ay badankood u kala dhasheen Soomaaliya, Eritrea, Mali iyo Ghanna, isagoo howlgalkan ku tilmaamay mid ay uga hortagayeen musiibo dhacda.
Tahriibayaashan ayaa laga qabtay magaalo la yiraahdo Sabratha oo galbeedka kaga beegan magaalada Tripoli ee xarunta dalka Liibiya, balse saraakiishu weli ma sheegin go’aanka ay ka qaadanayaan dadkan iyo halka ay ku hayaan midna.
Sannadkaan ayaa la rumeysan yahay in qiyaastii dad ka badan 1,000 qof ay naf-waayeen badda u dhexeysa dalalka Liibiya iyo Talyaaniga, kaddib markii ay cilladoobeen doonyihii ay la socdeen.
Dalka Liibiya ayaa ah marinka ay sii maraan tahriibayaasha ka tagaya dalalka Afrika iyo Aasiya qaarkood si ay u gaaraan Qaaradda Yurub oo ay rumeysan yihiin inay ka heli karaan nolol ka wanaagsan middii ay ku haysteen dalalkooda.
Ciidanka badda dalka Liibya ayaa qab-qabteen boqollaalka tahriibayaasha ah ee ay Soomaalidu ka mid ahaayeen ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo ay sameeyaan tan iyo markii tahriibku uu ka billowday dalkaas muddo sannado laga joogo.