spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeXeer Ilaaliyaha Qaranka oo si adag uga Hadlay Dhulalka la isku haysto...
Array

Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo si adag uga Hadlay Dhulalka la isku haysto iyo sida loo kala Xukumo

Xeer-ilaliyaha guud ee Qaranka, Axmed Cali Daahir  ayaa si Adag uga Hadlay maanta dhulalka la isku haysto ee Maxkamaduhu dalka ka jira ay kala Xukumaan, isagoo sheegay in Muranka Dadka Dhulalka isku haysta ay soo kordheen xilliyadiii u dambeeyay.

Dr. Axmed Cali Daahir ayaa Xusay in Maxkamadaha Dalka ka jira ay mid walba Qaabkii ay doonto u fuliso Xukunka ku Aaddan Murannada dhulka ay dadku isku haystaan, isagoo ciidanka Booliiskana ku eedeeyay in si awooddooda ka baxsan ay shacabka uga kiciyaan dhulalka, kuwaasoo uu sheegay inay adeegsanaya xukunno ay soo Maxkamadaha dalka ka jira oo isugu jira kuwo sharci ah iyo kuwo sharci-darro.

“Maxkamaduhu sidii ay doonaan ayay xukunnada u ridaan, sidoo kale maamulka Gobolka Banaadir Wwooddiisu waxay ahayd inuu wax kala Caddeeyo gaar ahaan dukumiintiyada sharciga sharciga ah iyo kuwa aan sharci-darrada ah, laakiinse waxay bixiyaan amarrada lagu burburinayo dhulalka, sidoo kale booliisku sidii ay doonaan ayay fulinta u sameeyaan, xitaa qaar ahaan warqado aan haysan ayay dhul u burburiyaan, waxaa kaloo jirta in amarro meel kale ka yimid iyadoo aan go’aan laga gaarin dacwadda oo weli maxkamadda taallo ayaa dhaca,” ayuu yiri Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Sidoo kale, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay inay badatay in si aan sharciga ahayn Amarrada loo fuliyo, isagoo ku eedeeyay Maxkamadaha Waddanka ka jira inay soo saarayaan toban amar oo kala duwan oo Dhammaantood ah kuwo is-khilaafsan.

“Xeer-ilaalinta lafteedu mararka qaarkood si khaldan ayay dhex-galka ay soo dhexgalayso arrimahan u isticmaashaa; Waxaadna Arkaysaa iyadoo Waxaan Qaanuunka lug ku lahayn soo Dhex-galaysa. Marka Hay’adihii Dowliga ahaa ee Arrintaan u Xil-saarnaa ayaa waxay Dhamaantood ka tallaabayaan Xadkii Qaanuunku u tilmaamay,” ayuu xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka mar kale yiri.

Dhanka kale, Xeer Ilaaliyaha Qaranka ayaa sheegay in markii xadkii Qaanuunka laga wada tallaabay inay dhalatay in amnigii guud ee Qaranku uu qalqal-galo, taasoo ay sameynayaan Hay’adihii Dowladda, maxaa yeelay shacabku kacdoon bay sameynayaan.

“Runtii Arrinta la xiriirta Murannada dhulka la isku haysto, Gaar ahaan Gobolka Banaadir iyo Nawaaxigiisa Waa Xaalad Qaran oo u baahan in xukuumadda Somalia iyo shacabku ay ka yeeshaan doodo iyo Wadatashiyo ku aaddan sidii xal looga gaari lahaa,” ayuu hadalkiisa ku daray Dr. Axmed Cali Daahir.

Ugu dambeyn, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo la Hadlayay Warbaahinta ku Hadasha afka dowladda ayaa sheegay in qadiyada dhulka la isku haysto ay ku lug leeyihiin hay’ado badan, kuwaasoo uu ugu horreeyo Gobolka Banaadir, gaar ahaan Waaxda dhul-bixinta iyo Maxkamadaha oo ay ahayd inay dhulalka la isku haysto kala bixiyaan ayaa iyagana dhinac uga lug leh arrintan.

 

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular