spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeXildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo looga Digay Khilaaf soo Dhex-gala
Array

Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo looga Digay Khilaaf soo Dhex-gala

Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa walaac ka muujiyay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya, kaasoo ay u arkeen mid keenaya khilaaf soo dhexgala xildihbaannada baarlamaanka Somalia.

Siyaasiyiintan Soomaaliyeed ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay kala aragti-duwanaanshahaan soo dhexgalay Golaha Baarlamaanka Somalia iyo sidoo kale mooshinnada is-barba-socda.

Mooshinka ka yaalla Madaxweynaha ayuu sheegay in loo baahan yahay in loo maro qaab sharci ah, islamarkaana aan la carqaladeyn hanaanka la hiigsanayo ee Sanadkan 2016-ka.

Sidoo kale, siyaasiyiintan ayaa sheegay in Xildhibaannada Baarlamaanka uu waajib ka saaran yahay dalkooda iyo dadka ay matalaan, ayna yihiin Sharci-dajintii dalka; sidaa darteedna aysan muran iyo is-qabsi ka keenin mooshinka yaalla baarlamaanka.

“Cid walba oo khalad lagu tuhmo in lala xisaabtamo waa waajib, xildhibaannadana waxaa looga baahan yahay inay mooshin walba oo la hor-keeni ay sharciga mariyaan oo uusan muran soo dhex-gelin,” ayay xubnahan siyaasiyiinta ah ku yiraahdeen warbixintooda.

Ugu dambeyn, Digniinta Siyaasiyiintan ee ku aaddan in xildhibaannada Golaha Shacabka ay ka digtoonaadaan khilaaf soo dhex-gala ayaa wuxuu imaanayaa xilli ay baarlamaanka horyaallaan laba mooshin oo iska soo horjeeda.

Xildhib_Baarlamaanka_Somalia_660

 

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular