Xildhibaannada baarlamaanka Kenya ee laga soo doorto gobolka Waqooyi -Bari Kenya ayaa sheegay in dacwad ka dhan ah ciidammada Kenya ay u gudbiyeen maxkamadda sare ee dalkaas.
Ciidammada ayay ku eedeeyeen inay jirdil iyo tacaddiyo kale ay u geysteen dhallinyaro ay kala baxeen guryahooda, kuwaasoo qaarkood la helay meydadkooda, halka qaar kalena ilaa iyo hadda la la’yahay.
Ciidammada Kenya ayaa howl gallo ay ku sheegeen inay ku sugayaan amniga ka sameeyay gobolka waqooyi bari Kenya, kadib markii weerarro ay sheegatay Al-Shabaab ay ka dhaceen magaalooyinka qaar ee Kenya. Sidoo kale waxaa wali bandow habeenkii ah saaran magalooyinka gobolka Waqooyi-Bari Kenya.
Xildhibaannadan oo billowgii bishii hore shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ka dalbaday dowladda Kenya inay caddayso cidda ka dambeysa iyo halka ay ku sugan yihiin dad ay sheegeen in lagala baxay guryahooda, kuwaas oo aan la ogeyn meel la geeyay.