Iyadoo Shalay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud lagu doortay Madaxweynaha Maamulka Ahlusunna ay sheegtay in uu Madaxweyne ka yahay Gobolada Dhexe ee dalka ayaa waxaa Shirkaasi iskaga baxay Masāuuliyiin ka tirsan Maamulka Ximan iyo Xeeb.
Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrmaha Gudaha Maamulka Ximan iyo xeebĀ Maxamed Xaaji Xuseen oo la warbaahintaĀ islamarkaana ka qeyb galay Shirka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in ay iskaga baxeen.
Maxamed Xaaji Xuseen ayaa Tilmaamay in Markii hore Ahlusunna ay ku Casuuntay Shirka Balse aan door laga siin Talada iyo qaabkii loo doortay Madaxweynaha Gobolada Dhexe ay Ahlusnna ay u sameeysay.
Madaxweynaha Cusub ee Ahlusunna oo lagu Magacaabo Sheikh Maxamed Shaakir ayaa sheegay in Shirka lagu doortay ay u dhan yihiin Beelaha Gobolada Dhexe,balse hada waxaa soo baxaya in Durba uu Khilaaf ka soo dhex dhashay.