Xooggaga Taliban ee dalka Afghanistan, ayaa dilay in ka badan 11 ka mid ah ciidammada dowladda ee ku sugan galbeedka gobolka Herat ee dalkaasi.
Afhayeen u hadlay barasaabka gobolkaasi ayaa BBC u sheegay, in askarta la weeraray xilli ay habeennimadii Axadii u safrayeen gobolka Baghdis.
Taliban ayaan weli wax jawaab ah ka bixin weerarkaasi.
Ururkaasi kacdoonka wada ayaa ballaariyay weerarrada uu ku hayo ciidammada Afghanistan, tan iyo markii ay ciidammadaasi bilaabeen duulaanka ka dhanka ah Taliban dabayaaqadii bishii April.
Ciidammada Afghanistan ayaa la dagaallamaya Taliban, xilli aanay garab ka heleynin ciidammada NATO, oo howlgalkooda dalkaasi soo afjaray lix bilood ka hor.