Iyadoo shalay Xoriyadoodii ay dib u heleen Wariyaasha Tv-ga Universal ee kala ah C/llaahi Xirsi Kulmiye Agaasimaha Tv-ga Universal ee Bariga iyo Bartamaha iyo Wariye Cawil Daahir Salaad ayaa waxaa soo dhaweeyay Xukumadda Soomaaliya.
Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan siideeysmada wariyaasha islamarkaana ay tahay Talaabo lagu Farxo.
“Wariyaasha Tv-ga Universal hada waxaa lagu siidaayay Damaanad ahaan oo hada banaanka ayey joogaan iyaga oo Xor ah”ayuu yiri Xayir.
Laamaha Amaanka ayuu sheegay in ay Tv-ga Universal ay ku Haystaan Eedeymo badan iyo Xad Gudibyo islamarkaana ay ituseen baaritaana lagu sameyn doono.