Maxkamad ku taalla Masar ayaa lagu wadaa inay go’aankii ugu hoereeyey ka gaarto tiro kiisas ah oo dhan ka ah madaxweynihii hore, Maxamed Mursi, oo milaterigu ay xukunka ka tureen sannadkii 2013.
Waxaa lagu eedeeyey, isaga iyo tiro kale oo ka tirsan hogaamiyeyaasha Akhwaanul-muslimiinka, inay kiciyeen taageerayaashooda oo dilay wariye iyo banaanbaxayaal mucaarad ah, isku dhacyo ka dhacay dibadda qasriga madaxtooyada. Kooxda difaacaysa Mr. Mursi ayaa sheegaya inuu wajihi karo ciqaab dil ah.
Boqollaal ka tirsan taageerayaasha Akhwaanul-muslimiin ayaa dil lagu xukumay, hawlgallo dhan ka ah kooxdaas oo uu mamnuucay madaxweyne Cabdulfataax Al-sisi.
Ikhwaanku waxay madaxweynaha ku eedeeyeen in nidaamka caddaaladda uu u isticmaalayo hub ahaan.