spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeXukuumada Somalia oo ku amartay shacabka degan Ex-Fiyoore in ay si deg...
Array

Xukuumada Somalia oo ku amartay shacabka degan Ex-Fiyoore in ay si deg deg uga guuraan halkaasi

Xukuumada Soomaaliya ayaa amar ku bixisay shacabka degan guryaha xaafada Ex-Fiyoore ee Magaalada Muqdisho in ay si deg deg ah halkaasi uga guuraan ama laga qaadi doono tilaabo adag oo sharciga waafaqsan.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xayir Maareeye ayaa ku amray dadka shacabka ah ee degan guryaha fanaaniinta ee Ex-Fiyoore in halkaasi uga guuraan 10-maalin gudaheeda.

Wasiirka ayaana sheegay in muhiim tahay in dadka shacabka ah ay halkaasi deg deg uga guuraan ,isagoona cadeeyay in dadkaasi ay mudo badan kusoo nacfiyeen kuna noolaayeen guryahaasi.

”Waxaan leenahay shacabka degan guryaha Fanaaniinta ee Ex-Fiyoore in ay halkaasi deg deg uga guuraan, in badan ayey kunoolaayeen kuna nacfiyeen, maanta waa loo baahan yahay 10-maalin ha uga guuraan ama tilaabo sharci ah ayaa laga qaadayaa ”ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Fanaaniin iyo Abwaano degan Xaafada Fiyoore ayaa soo dhaweeyay amarka kasoo baxay Xukuumada Soomaaliya ee dadka shacabka ah looga saarayo guryaha ay ka dagnayaeen Ex-Fiyoore oo xarun u aheed fanaaniinta Qaramka Soomaaliya.

 

Ex-fiyoore

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular