Dowladda Kenya ayaa Dalka Shiinaha la Saxiixatay heshiis ku saabsan Korontada laga dhaliyo Nulear-ka , taasoo qayb ka ah Qorshayaal ay ku doonayso Dowladda Shiinuhu inay Bariga Afrika uga hirgeliso Sanadkan 2015-ka Saldhig Awoodda Korontada ee Nuclear-ka laga Dhaliyo, Sida ay shaaciyeen Guddiga dalka Kenya u Qaabilsan Awoodda Tamarta Nuclear-ka.
Kenya ayaa Qorsheynaysa inay markii ugu Horreysay Korontada Nuclear-ka laga dhaliyo, taasoo Awooddeedu tahay 1000MW Sannadka 2025-ka, ayay sheegeen guddiga, iyagoo intaas ku daray in awoodda koronto la gaarsiiyo sanadka 2033-ka.
Heshiiskan Is-fahamka ah ee ay kala Saxiixdeen dalalka Shiinaha iyo Kenya ayaa wuxuu u saamaxayaa in dalka Shiinuhu uu Kenya u soo tababaro farsama-yaqaanno iyo shaqaale ka Hirgelinaya Kenya Awoodda Koronto ee laga dhalinayo Nuclear-ka.
Sidoo kale, Guddiga ayaa waxay sheegeen in Kenya ay horay heshiisyo noocan oo kale ah ula saxiixatay dalalka Slovakia iyo South Korea, inkastoo aysan hir-gelin heshiisyadaas.
Guddig waxay intaas ku dareen in heshiiska waddamadaas ay Kenya la gashay uu qayb ka ahaa in Kenya loo tababaro 10-arday oo cilmiga Awoodda Koronto ee Nuclear-ka kusoo baranaya dalka Koonfurta Kuuriya.
Kenya ayaa waxay sidoo kale sannadihii lasoo dhaafay dadaalo ugu jirtay sidii ay dabeysha uga dhalin karonto, iyadoo Baaritaanno dhanka saliidda ahna ka wadday Qaybo ka mid ah dalkaas.
Dhanka kale, Kenya oo shacabkeedu si aad ah u kordhayaan ayaa waxaa ciriiri ku noqday Korontoda, iyadoo webiyada dalkaas ay gureen, sidoo kalena ay ku dhufteen qaybo ka mid ahd dalkaas abaaro.
Warbixin uu Bankiga Adduunku Dhawaan soo Saaray ayuu ku Sheegay in 10-kii Ruux ee Kenyaan ah ay Saddex ruux oo keliya awood u helaan inay Koroto helaan; halka dadka ku nool miyaga ay aad u yar tahay inay koronto helaan.
Ugu dambeyn, Koonfur Afrika ayaa ah dalka keliya ee isticmaala awoodda Korontada laga dhaliyo Nuclear-ka, dhammaan Dalalka ka Hooseeya Saxaaraha Afrika.