spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeXulka Kubada Cagta Soomaaliya Oo Lagareebay Tartanka CAF U-23 Championship 2015
Array

Xulka Kubada Cagta Soomaaliya Oo Lagareebay Tartanka CAF U-23 Championship 2015

Cayaartooyda Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa bar baro dhac 1-1 la galay xulka dalka Rwanda, kaddib markii ay isaga hor yimaadeen lugta labaad ee tartanka CAF U-23 Championship 2015, kaasi oo ka dhacday magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jamhuuriyadda Jabuuti oo ay Soomaaliya uga dhiganeyd inay ku cayaareyso gurigeeda oo kale.

Guddoomiye ku-xigeenka Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Cagta Cali Maxamed Cabdi (Cali Shiino) oo isaga oo ku sugan dalka Jabuuti la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in cayaartooyda xulka Qaranka dalkeenna ay soo bandhigeen cayaar aad u wanaagsan, waxaana uu intaa ku daray in bar baro 1-1 ay la galeen xulka dalka Rwanda, sidaasina ay kaga hareen tartanka, marka la isu geeyo wadarta guud ee guulasha oo ah 3-1, maadaama xulka Soomaaliya lugtii hore looga adkaaday 2-0.

Cayaartooyda Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay dib ugu soo laabtaan dalka, maadaama ay isaga hareen tartankii ay ka qeyb galeen.

 

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular