spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeXuuthiyiinta Yaman oo Gantaalo culus ku weeraray koonfurta Boqortooyada Sucuudiga
Array

Xuuthiyiinta Yaman oo Gantaalo culus ku weeraray koonfurta Boqortooyada Sucuudiga

Kooxda XuuthiyiintaDalka Yaman ayaa gantaalo culus ku weeraray koonfurta Boqortooyada sacuudi carabiya, waxa ayna kooxdu sheegtay in weerarkan jawaab u yahay duqeyn ay geesteen Diyaaradaha dagaalka ee Sacuudiga.

Duqeynta ay geesteen kooxda Xuuthiyiinta ayey la beegsadeen Deegaanka Jizan ee Koonfurta Sacuudiga, waxa uuna deegaankan yahay mid ku yaala xadka ay wadaagaan Sacuudiga iyo dalka Yaman.

Kooxda Xuuthiyiinta ayaa sheegay in gantaalada ay ku weerareen fariisimo ay sheegeenin ciidamada Sacuudiga ay ku lahaayeen deegaankaasi, mana sheegin wax qasarao ah oo ka dhashay duqeyntaasi.

Diyaaradaha dagaalka ee Sucuudiga ayaa duqeyn culus saacadihii lasoo dhaafay ku garaacay Magaalada Sanca ee Caasimada Yaman , gaar ahaan duqynta ayaa lala eegtay fariisimo ay magaaladasai ku leeyihiin maleeshiyadaka shiicada Xuuthiyiinta

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular