Dagaal dheeraad ayaa ka socda Yemen halkaasi oo falaagada Xuutida Shiicada ay la wareegeen xarumo unugyo militeri oo ku yaal Tacis, saacado kaddib markii isbahaysiga Sacuudiga hogaaminayo uu hakiyay afar todobaad ololaha duqeynta ee uu uga horjeeday.
Iran ayaa ku tilmaantay go’aanka ay Sacuudiga ku hakinayaan ololaha duqeynta horumar wanaagsan, waxayna ku baaqeen wadahadalo lagu dhameynayo dagaalka.
Warbaahinta yeman ayaa sheegaya in Sacuudigu uu sheegtay guula badan hadana lama soo celin dowladda Yemen, welina maleeshiyada Xuutida waxay maamulaan xarunta Sanca.