Ardaydan oo wax ka yar 20 maalmood ka hor la geeyay iskuulkan gaarka loo leeyahay, ayaa waxa ay ku andacoodeen in dad aanay aqoonsan ay isku dayeen in ay dhowr jeer saqda dhexe habeenkii ay ku kufsadaan qolalka jiifka.
Mid ka mid ah dhibanayaasha oo ah arday 12 sano jir ah kaasi oo isbitaal halkaa ku yaal loogu sameeyay baaritaan, ayaa BBCda u sheegay in isagoo jiifa laba jeer la soo weeraray, markastaana afkiisa iyo indhihiisa wax lagu dadayay, xilli qaar kamid ah dadka weerrarka soo qaaday ay xoog isugu dayayeen in ay lugahiisa ku kala furaan.
Waxa uu sheegay in markii koobaad markii uu qayliyay ay dadka weerrarka soo qaaday ay carareen, hasayeeshee markii labaad ay ahaayeen kuwa go’aan soo gaaray.
Ilaa iyo afar carruur ah ayaa la sheegay in dhawaan ay dhibanayaal u noqdeen tacaddiyo galmo kuwaasi oo ka soo gaaray dad ay isku jinsi yihiin.
Milkiilaha iskuulka, Prof Ibraahim Ayagi, kaasi oo horay u soo noqday lataliyihii hore ee dhaqaalaha qaranka, ayaa waxa uu xaqiijiyay in ay jireen iskudayo kufsi hasayeeshee dadka kufsiga gaysan rabay aanay ku guulaysan. Sikastaba ha ahaatee waxa uu sheegay in mas’uuliyiinta iskuulka ay ammaan ku filan siiyeen qeybta ay ardaydu seexdaan.
Qaar ka mid ah waalidiinta dhallaanka kuwaasi oo laf ahaantooda iskuulkaasi horay uga qalinjabiyay ayaa sheegay in aanay xaaladda ku qanacsanayn, halka qaar kalana ay bilaabeenba in ay carruurtooda halkaa kala baxaan.
Booliska Nigeira ayaa sheegaya in ay baarayaan kiiska.