Saturday, January 28, 2023
spot_imgspot_imgspot_imgspot_img
HomeWARARKAWar Cusub oo ka soo baxay Gudiga doorashada Madaxweynaha Galmudug

War Cusub oo ka soo baxay Gudiga doorashada Madaxweynaha Galmudug

Farxiyo Xasan Cali oo ka mid ah Guddiga Doorashada Madaxweynaha maamulka Galmudug oo la hadashay Warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa ka warbixisay halka ay marayaan Musharaxiinta u tartameyso qabashada Xilka Madaxtinimo ee Maamulkaasi.

Farxiyo Xasan ayaa sidoo kale sheegtay in 5 Musharaxay u taagan yihin qabashada Xilka Madaxtinimo ee Maamulka Galmudug, waxayna sidoo kale sheegtay in 3 Musharax kale ay u taagan yihiin qabashada Xilka Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug.

 

Farxiyo Xasan Cali ayaaugu dambeyn shaacisay in Maalinta Sabtida ee soo socota oo ay taariikha ku beegan tahay 4-Luulyo ay dhici doonto Xaflada lagu dooranayo Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug.

gobolada dhaxe

MUQAALADA

ENGILSH NEWS