Saturday, February 4, 2023
spot_imgspot_imgspot_imgspot_img
HomeWARARKAWar Dag Dag Ah Axmed Madoobe oo ku Guuleysatay Doorashadii Madaxnimo ee...

War Dag Dag Ah Axmed Madoobe oo ku Guuleysatay Doorashadii Madaxnimo ee Maamulka Jubbaland {DAAWO SAWIRADA}

Madaxweynihii hore ee Maamulka Jubbaland, Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe) ayaa ku guuleystay doorashadii Madaxnimo ee Maamulka Jubbaland oo maanta ka dhacday xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Doorashada oo ahayd mid qarsoodi ah ayaa waxaa codeeyay 74-xildhibaan, iyadoo Axmed Madoobe uu helay 68-cod oo ka mid ah codadkii ay dhiibteen xildhibaannada Baarlamanka Maamulka Jubbaland.

 

  1. Sheekh Axmed Madoobe oo helay 68-cod
    2. Hiloowle Aadan Maxamuud oo helay 2-cod
    3. Cismaan Xuseen Fayruus oo helay 2-cod
    4. Maxamed Cismaan Yuusuf oo aan wax cod ah helin.

Guddiga doorashooyinka Maamulka Jubbaland, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in wareeggii koowaad ee doorashada uu ku guuleystay Sheekh Axmed Madoobe, iyadoo murashaxiintii la tartamayay ay iyaguna xusay in Natiijada doorashada ay ku faraxsan yihiin, ayna taageersan yihiin madaxweynaha la doortay.

Doorashada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Xubno ka socday Beesha Caalamka iyo IGAD, iyadoo sidoo kalena ay goobjoog ka ahaayeen xildhibaanno ka socda Baarlamaanka FS. iyadoo isla goobta lagu dhaariyay Madaxweynaha la doortay ee Jubbalan, Sheekh Axmed Madoobe.

 

 

axmed madoobe Doorashadii_Jubbaland_Maanta (2)

MUQAALADA

ENGILSH NEWS

Somali children play football on Mogadishu streets as city hosts high-level...

0
Friday February 3, 2023 By Mohammed Dhaysane. MOGADISHU, Somalia Somali children came out Wednesday in the nation’s capital to play football on the streets as the...