Xafada howlwadaag Ee Magaalada baladweine Gobolka hiiraan ayaa waxa manta ka qarxay dagaal u dhaxeeyo labo maleeshiyo beleyd oo wada dagta Qeyb Kamid ah Xafada
Dagaalka ayaa geystay qasaaro dhimasho iyo dhawac Iyo Barakac Aan sidaa U siibadneyn Oo ay sameyeen Lanta Ay Ku dagaalamayaan Maleshiyaadkan
Goobjooge ku sugan xaafada howl wadaag ayaa hiranweyn u sheegey in uu arkay dhawaca ilaa sadax Ruux iyo halqof oo meyd ah
Ilaa Hada sicad Loma oga sababta Kentay Dagaalkan hayeeshee Warar hoose ayaa shegayo in la isku haysto Maamulka Xafada Iyo Canshuuro Laga Qaado Suuq xoolo oo kuyaal xafada howlwadaag
wixii warar ah ee ka soo kordha waxaad kala socon doontaan hiranweyn.com insha allah