Taliska Booliska Degmada Beledweyne oo Hawada Kasaaray Idaacada hiiraanweyn ee magalada beledweyne
Taliyaha booliska degmada beledweyne cali dhuux cabdi mahad ale ayaa abaaro 02:dii duhurnimo ee manta ku amray shaqaalaha idaacada hiiraanweyn ee magalada beledweyne in hawada laga saaro idaacada iyadoo aanu taliyaha booliska degmada beledweyne aanu cadeyn sababta ka danbeysa in hawada laga saaro idaacada hiiraanweyn
Idaacada hiiraanweyn oo ah idaacad ka shaqeeyso arimaha bulshada ayaa ka mida idaacdaha ka howlgala magalada beledweyne ee xarunta gobolka hiiraan kuwooda ugu afka dheer ama ugu dhageeysiga badan gobolka.
Lama oga sababaha taliska Booliska Degmada Beledweyne ay idaacada hiiraanweyn u xireen balse waxii kasoo baxa amarka lagu damiyay idaacada kala soco hiiraanweyn.net in sha allah