Wararka naga soo gaaraya degmada Halgan ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamadii itoobiya ee dhawaan la waregay dagmadaas y iskaga baxeen waabarigii horre ee saake
Wararka ayaa intaa ku daraya in Gudaha degmada ay xarakada shabaabka ku sugan yihiin kadib markii ay soo galeen barqanimadii maanta taas oo timid markii ay ciidamada DF Somaliya iyo kuwa itobiya ay degmadaaasi isaga soo baxeen saaka aroortii.
Goobjooge ku sugan Degmada Halgan oo la hadlay Radio Hiiraanweyn ayaa sheegay in ay ka warheleen ciidamada huwanta ah oo bilaabay geediga iyo dhaq dhaqaqa islamarkana ay isweydiiyeen sababta ay uga baxayan dagmada halgan waxana uu intaa kudaray in xiisada ay isbadashay mar qura madama ay dagmada galeyso gacan kale
Lama oga ilaa hada sababta ay uga baxeen ciidamada Dowlada Iyo Kuwa AMISOM oo mal mahii la so dhafay al shabab kala waregay dagmadaas
Wixii faah faahin ah La soco Wararkeena Danbe Insha allah