Monday, May 29, 2023
spot_imgspot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeWar Deg Deg Ah Codeynta Wareega Labaad ee Doorashada oo soo dhamaatay...
Array

War Deg Deg Ah Codeynta Wareega Labaad ee Doorashada oo soo dhamaatay iyo Tirinta Codadka oo bilowday

Waxaa Goordhaw soo gaba gaboobay codkii ay dhibanayeen Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug oo maanta dooranaya Madaxweynaha uu yeelanayo Maamulkaasi , waxaana Doorashada isugu soo haray ilaa Sadax Musharax oo usoo gubay Wareega Labaad ee doorashada.

Tartanka ayaa ah mid aad u adag waxaana loolanka ugu adag uu u dhaxeeya Labada Musharax ee kala Wataan Ururada Damul Jadiid iyo Aalla Sheekh ee kala ah C/kariin Xuseen Guuleed, Axmed Macalin Fiqi oo wareegii koowaad ee Doorashada helay codad isku mid ah min 29-cod.

Waxaa laga yabaa in Doorashada loo gudbo Wareega Sadaxaad hadii uusan mid kamid ah Musharixiinta uusan helin Codad gaaraya 45-Cod, oo ah Codadka uu ku guuleesan doono Musharixii hela.

Waxaa la saadaalinayaa in uu doorashada ku guuleesan doono Musharaxa hela Codadka Musharixiintii ku haray Wareega Koowaad ee Doorashada, iyadoona ay jireen Musharixiin isbaheesiyo sameestay kahor doorashada kuna balamay in ay codadka isugu shubaan.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha Doorashada kala Soco wararkaga Dambe Daqiiqad daqiiqad Insha Allah

MUQAALO

WARARKII UGU DANBEEYAY