Dagaal xoogan oo udhaxeeyo Labo Maleeshiyo beelled ayaa ka socda Deegaanka Tuulo oomaan oo hoostagta Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.
Dagaalkan waxaa ka dhashay Khasaaro Dhimasho iyo dhawac ah sida Dadka Deegaanka ay Warbaahinta Hiiraanweyn u Xaqiijiyeen. Dagaalka ayaa ah Mid aad u culus, waxaana Hubka laga maqlayaa deegaanada kale uu udhow Tuulo ooman.
Dagaalkan ayaa ka biloowday kadib markii labo Cisho ka hor weerar ay Maleeshiyo hubeeysan ay ku qaadeeyn dad shacab ah, waxaana weerarkaasi ka dhashay Khasaaro dhimasho iyo dhawac ah. Intaasi kadib xiisad ayaa ka jirtay iyo Hub aruursi, waxaana ugu dambeeyn manta qarxay Dagaalka.
Xubno ka mid ah Maamulka Gobolka Hiiraan, Maamulka degmada Matabaan iyo saraakiil Ciidan ayaa ku baxay Xiisadan si ay ujoojiyaan . Lakiin kuma aysan guuleeysan madaama dagaalka manta qarxay.