fbpx
spot_imgspot_imgspot_imgspot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 395
HomeWar Deg Deg Ah '' Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Puntiland oo Goordhaw Garawe...
Array

War Deg Deg Ah ” Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Puntiland oo Goordhaw Garawe lagu doortay

Waxaa maanta xarunta Baarlamaanka Maamulka Puntiland ee Garawe ka dhacday doorasho lagu dooranayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaasi, waxaana doorashada ku tar tamayay ilaa sadax musharax.

Waxaa hoolka ay doorashu ka dhacday soo xaadiray 64-Xildhibaan oo katirsan Baarlamaanka Puntiland oo tiradoodu dhan tahay 66-Mudane, kuwaa oo maanta dooranayay Gudoomiyahooda kadib markii uu xilkaasi iska casilay Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka.

Doorashada waxaa ku tartamay Sadax Musharax oo kala ahaa Axmed Cali Xaasi ,Cabdixakiin Maxamed Dhoobo Daareed iyo Saciid cabdi Samatar , waxaana wareegii ugu dambeeyay ee doorashada isugu soo haray Axmed Cali oo wareegii koowaad helay 40-cod iyo Cabdi Xakiin Dhoobo Daareed oo helay 19-cod.

Codadkii ay dhiibteen Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Puntiland ayaa ugu dambeyn waxaan guushu raacday Gudoomiyaha Baarlamaankana loo doortay Axmed Cali Xaasi , oo helay codad gaaraya 40-cod halka Cabdixakiin Maxamed Dhoobo Daareed uu isna helay codad gaaraya 22-cod,

Doorashada maanta ka dhacday Magaalada Garawe ee lagu dooranayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa aheed mid xamaasad leh oo si wanaagsan u dhacday, waxaana Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka uu badali doono Gudoomiyihii hore ee is casilay.

Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Puntiland Axmed Cali Xaashi ayaa horey usoo noqday Gudoomiyaha Baarlaman Puntiland Xiligii Madaxweyne Cadde Musse Waxa uu sidoo kale Xilal Kala duwan Ka soo Qabtay maamulka Puntland.

MUQAALO

WARKA DUHURNIMO