Waxaa Goordhaw Xildhibaanada Baarlamaanka Maamul Goboleedka Galmudug ay doorteen Gudoomiye Kuxigeenka 1-aad Baarlamaanka Maamulkaasi kadib doorasho ka dhacday Magaalada Cadaado.
Xildhibaano gaaraya 82-Xildhibaan ayaa ka qeyb qaatay cod bixinta Doorashada Gudoomiye kuxigeenka 1-aad Baarlamaanka Maamulka Galmudug oo ay isku soo sharaxeen Sadax Musharax .
Musharixiinta ayaana codadka u kala helay sida tan:
1-Xareed Cali Xareed oo ku guuleestay Doorashada ayaa helay Codad gaaraya 58-Cod
2-Musharax Maxamed Xasan Xuseen ayaa isna helay Codad gaaraya 21-Cod
3-Cabdulaahi Xirsi Maxamed ayaa isna helay 3 Cod.
Waxaana Gudoomiyaha Guuddiga Doorashada Gudoonka Baarlamaanka Maamulka Galmudug uu ku dhawaaqay in Xareed Cali Careed uu ku guuleestay Doorashada uuna noqday Gudoomiye kuxigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Galmdug.
Waxaa Xusid Mudan in Musharaxan ku guuleestay Gudoomiye ku xigeenka 1aa-d ee Baarlamaanka Galmudug uu kasoo jeedo Beesha Degta Xeraale ee Gobolka Galgaduud, waxaana Musharaxan watay uu matalayay Kooxda Alla Sheekh oo maanta guulo waa weyn kasoo hoyisay Doorashii Gudoonka Baarlamaanka ee Cadaado ka dhacday.