Waxaa goordhaw soo dhamaatay Wareega 1-aad ee Doorashada Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Galmudug ee kasocota Magaalada Cadaado , waxaana hada isugu soo haray wareega labaad oo laguda galay Sadax Musharax .
Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa shaaciyay natiijada Doorashada Madaxweyne ku-xigeenka Baarlamaanka Galmudug ay ku tartamyeen ilaa lix Musharax.
Musharixiinta ayaa Codadka u kala helay sida tan
1: Maxamed Xaashi Cabdi Carabeey waxa uu helay 23-Cod
2: Bashiir Diiriye Shariif waxa uu izna helay 20-Cod
3: Xasan Maxamed Warsame:12
4-Cabdulaahi Bashiir Cabdinuur ducaale waxa uu isna helay 11-Cod
5: Cabdiqaadir Cabdulaahi warsame ladiif 11
6:Cabdulaahi Xaashi Warsame oo isna helay hal Cod oo kaliya
Waxaana Wareega Labaad isugu soo haray Sadaxda Musharax ee ugu codka badnaa Wareega koowaad , waxaana la saadaalinaya in labada Musharax ee kala ah Maxamed Xaashi Cabdi Carabeey iyo Bashiir Diiriye Shariif uu midkood ku guuleesto Doorashada Madaxweyne kuxigeenka Galmudug.
Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala Soco Wararkayaga Dambe Insha Allah