Monday, May 29, 2023
spot_imgspot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeWar Deg Deg Ah Shaqaalaha diyaaradii ku burburtay Carbiska oo xabsiga la...
Array

War Deg Deg Ah Shaqaalaha diyaaradii ku burburtay Carbiska oo xabsiga la dhigay

Diyaaradda Tristar ee ka diiwaan gashan dalka Masar ayaa shaqaalaheeda lagu xiray magaalada Muqdisho, kaddib markii lagu soo eedeeyay inay sameeyeen qaladaad ka yimid dhinaca duulimaadyada ay sameyneysay oo ay ku timid dalka Soomaaliya.

Qadka duulimaadka shirkadda oo shixnado raashin ah ka soo qaaday magaalada Ostend ee dalka Biljimka ayaa dib ugu laabatay magaalada Qaahira, sida ay sheegayaan warbaahinta magaalada Qaahira ee wadanka Masar iyadoo kaddibna Soomaaliya u soo duushay.

Ciidamada AMISOM ayaa shaqaalahaasi ka qaaday Baasabooradii ay wateen, iyagoona xabsiga dhigay, waxayna Q/Midoobay ku eedeysay in shaqaalahaasi ay sameeyeen qaladaad dhinaca duulimaadka Soomaaliya ku timid.

Dhinaca kale saraakiisha garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa siyaabo kala duwan hadlay diyaaradda ku degatay wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye oo laga badbaadiyay dadkii saarnaa iyo shixnadihii ay wadday.

 

MUQAALO

WARARKII UGU DANBEEYAY