Wafdigii maalmahan ku sugna Magaalada B/weyne ee ka socday Dowlada dhexe si ay baaritaan ugu sameyaan dilkii loo gestay all ha u naxriiste Mahdi xusen shiiqaal ayaa kulama kala duwan la qaadanaya qeybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulka Gobolka Saraakiisha ciidamada.
Odayaal iyo waxgarad ku dhaqan magaalada ayaa kulama la kula qaaatay Taliska AMISOM ee B/weyne si wax looga ogaada cida ka dambeysay Dilka iyadoona galinkii dambe ee maanta Xerada Ciidamada AMISOM looga yeray xuma katirsan maamulka Gobolka Hiiraan.
Xumnaha ka tirsan Maamulka Gobalka Hiiraan oo uu kamid yahay Gudoomiyaha Gobolka C/fitaax xasan Afrax oo looga shakisan yahay in ay ku lug leyihiin dilkii dhawaan Degamada Baledweyne loogu gestay sargaal ka tirsan Hay’ada Qaramada midoobay ee Man Action ayaa caawa lagu haya Taliska Amisom ee Degaanka ceeljaale’ sida ay hiiraanweyn u xaqiijiyen saraakiil katirsan Wasaarada Amniga.
Wararka Qaar ay heshay Hiiraanweyn ayaa sheegaya in Maalinta biri ah lagu wada dhamaan xumnaha looga shakisan yahay dilka loo qaado magaalada muqdisho si halkaasi baarotaan dheraad ah lagu sameyo kiiska looga shakisan yahay.
Waxii Warar ah kala soco Wararka Hiiraanweyn In Shaa allaah.