spot_img
HomeARIMAHA BULSHADACiidamada Booliska Soomaliya oo Gacanta Ku soo Dhigay Ciyaal Weero Dhac...

Ciidamada Booliska Soomaliya oo Gacanta Ku soo Dhigay Ciyaal Weero Dhac U Geysanaye Dadka Shacbka ah

Axad 19 March 2023 {HMC} Ciidanka booliska Soomaaliya gaar ahaan qeybta guud ee Gobolka Banaadir ayaa caawa howlgal amni xaqiijin ah ay ka sameeyeen deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho kusoo qab qabtay kooxo ciyaal weero ah

Booliiska ayaana intii ay howlgalka wadeen gacanta ku dhigay dhallinyaro badan oo ciyaal weero ah , kuwaas oo watay tooreeyo, baangado iyo mindiyo, waxa ayna ku howlanaayeen dhibaateenta dadka shacabka
Dhallinyaradan ciyaalka weerarada ah ayaa intooda badan laga soo xiray xaafada Jabad Geelle, waxa ayna ciyaalkan xirnaayeen xilligii booliiska qabanayeen cimaamado ay wajiga ku qarsanayeen si ay loo aqoonsan inta ay dhibaateynta wadaan
Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaana magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda ka sameeya howlgalo ka dhan ah ciyaalka weerada iyo sidoo kale kooxaha burcada hubeesan ee shacabka dhaca iyo dhibaatooyinka kalaba u geesta.
MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular