spot_img
HomeWARARKA{DAAWO SAWIRADA} Soomaaliland oo So bandhigtay Hub iyo Maxaabiis ay ku qabsatay...

{DAAWO SAWIRADA} Soomaaliland oo So bandhigtay Hub iyo Maxaabiis ay ku qabsatay Dagaalkii Laascaanood maanta ka dhacay

Sabti 18 March 2023 {HMC} Somaliland ayaa sheegtay in ay dagaalka saaka ka dhacay duleedka Laascaanood ku qabatay 14 maxbuus, 2 gaari oo ah kuwa dagaalka , 15 qori oo kuwa culus ah iyo hub fudud oo tiro badan.

Afayeenka Ciidamada Meleriga Cabdi Cabdulaahi Xasan Cabdi Dheere ayuu yiri “Somaliland sidii caadada u ahayd way ka guulaysteen cadowga, waxayna ka qabsadeen saanad dagaal, gadiid, iyo maxabiis badan, maxabiistaas oo ka badan 14, laba gadiid oo dagaal ka ah,15 qori oo nooca boobaha culus ah iyo in ka badan oo hubka yar yar ah”

sidoo kale Maamulka Puntland ayuu ku eedeeyay in ay jabinayso xabad joojintii ay dhinacyadu ku dhawaaqeen, isagoo digniin u diray sheegayna in ciidamada millaterigu gacan adag ku qaban doonaan hadii la carqaladeeyo xabad joojinta.

 

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular