spot_img
HomeWARARKADowladda Mareykanka oo shaaciyey Muuqufkeeda ku aadan heshiiska nabada Itoobiya

Dowladda Mareykanka oo shaaciyey Muuqufkeeda ku aadan heshiiska nabada Itoobiya

Khamiis 16 March 2023 {HMC} Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa muujiyay sida ay muhiimka u tahay in si buuxda loo dhaqan geliyo heshiiskii nabadeed ee u dhaxeeyay dowladda federaalka iyo ciidamada Tigreega.

Antony Blinken ayaa caddeeyay mowqifka xukuumadda Washington ee heshiiskaas uu gardaadiyey Midowga Afrika ka gadaal markii uu wada hadal dheer la yeeshay ra’iisul wasaaraha Itoobiya.

Blinken ayaa sheegay in ay tahay in lagala xisaabtamo gabood-fallada ay geysteen dhammaan dhinacyada, isla markaana kormeerayaasha xuquuqul insaanka loo ogolaado goobihii ay ku burbureen dagaalladii la soo afjaray bishii November ee la soo dhaafay.

Xafiiska Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sheegay in labada mas’uul ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka oo hoosu-dhacay kadib colaaddii u dhaxeysay ciidamada federaalka, xulafadooda Eritrea iyo Tigrayga.

Mr Blinken, oo sidoo kale la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan Tigrayga, ayaa ku dhawaaqay lacag dheeraad ah oo dhan $330m (£247m) oo loogu talagalay Itoobiya si wax looga qabto baaiyaha ka jira meelaha colaadu saameysay

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular