spot_img
HomeARIMAHA BULSHADAFaah Faahino Laga Helayo Qarax lala eegtay Askar Kenyan ah Iyo ...

Faah Faahino Laga Helayo Qarax lala eegtay Askar Kenyan ah Iyo khasaaro ka dhashay Qaraxas

Sabti 18 March 2023 {HMC} Wararka naga soo gaaraya duleedka Magaalada lamu ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya in qarax lala beegsaday Gaari ay leeyihiin Ciidamada Kenya, waxaana ka dhashay khasaaro isigu jira dhimasho iyo dhaawac
Wararka la helay ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso uu ka dhacay inta u dhaxaysa deegaannada Kiyuunga iyo Shangaani oo ka tirsan Magaalada Laamu, isla markaana lala beegsaday Gaari Ciidan oo ay saarnaayeen Ciidamo katirsan kuwa Kenya
Gaariga qaraxa lala beegsaday oo ka baxay degaanka Kiyuunga ayaa kusii wajahnaa deegaanka Shangaani, waxaana la sheegay in qaar kamid ah Askarta Kenyanka ah ay qaraxa dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen
Sarkaal u hadlay Ciidamada Kenya ayaa xaqiijiyay qaraxaas, balse faah faahin dheeraad ah kama bixin khasaaraha ka dhashay
Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa waxaa mar walba ka dhaca qaraxyo miino iyo weeraro toos ah oo lala beegsado Ciidamada Kenya, waxaana mas’uuliyadooda sheegta Ururka Al-Shabaab.
MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular