spot_img
HomeWARARKAGuddoomiye Aadan Madoobe oo kulan la yeeshay Danjiraha dalka Taliyaaniga u fadhiya...

Guddoomiye Aadan Madoobe oo kulan la yeeshay Danjiraha dalka Taliyaaniga u fadhiya Soomaaliye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Ku simaha Madaxweynaha JFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa waxaa uu maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dalka Taliyaaniga Alberto Vecchi.
Kulanka Guddoomiyaha iyo safiirka dalka Taliyaaniga ayaa looga hadlay xiriirka labada dal ee taariikhiga ah. Danjiraha ayaa Guddoomiyuhu u soo gudbiyay dhambaal uu ka siday Baarlamaanka dalkiisa ee ku aaddanaa wadashaqeynta labada baarlamaan, isagoo xaqiijiyay in Soomaaliya ay kala shaqeyn doonaan deyn cafinta iyo shuruucda muhiimka u ah dalka ee laga rabo Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa uga mahadceliyay Dowlada Taliyaaniga garab istaaga Dowlada Soomaaliya Iyo sida ay qeyb uga qaadanayan la dagaallanka Al-Shabaab iyo deyn cafinta.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Ku simaha Madaxweynaha JFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa u xusay in Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Taliyaaniga xiriir wanaagsan yeelan doonaan dhawaan.
MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular