spot_img
HomeARIMAHA BULSHADAKooxda Chelsea oo shaacisay go’aan ay soo dhoweeyeen Muslimiinta Ku nool UK

Kooxda Chelsea oo shaacisay go’aan ay soo dhoweeyeen Muslimiinta Ku nool UK

Talaado 14 March 2023 {HMC} Kooxda Chelsea oo ka mid ah kooxaha heerka koowaad ee dalka Brirain ayaa ku dhawaaqday iney garoonkeeda ku afurin doonta Muslimiinta deegaanka maalinta ugu horreysa bisha Barakeysan ee Ramadaan
Kooxda Blues waxey barnaamijkan iska kaashanayaan hay’adda Kheyriga ah ee {Ramadan Tent Project}, taasoo ka diiwaan gashan gudaha UK, waana hay’ad loogu talagalay iney isku keento Bulshada
Garoonka Stamford Bridge ayaa albaabada loo furi doonaa si Muslimiinta deegaanka loogu afuriyo, waana tallaabo qurux badan oo ay dad badan soo dhaweeyeen
Muuqaalka Barnaamijkan lagu baahiyay waxaa hadal laga siiyay laba ka mid ah xiddigaha Muslimiinta ee kooxda {Wesley Fofana & Kalidou Koulibaly} oo talaabadaas ku tilmamaay iney tahay mid isku soo dhoweyeneysa bulshooyinka kala diimaha ah
Chelsea ayaa noqoneysa hadii ay talaabadan qaado kooxdii ugu horreysay ee ka ciyaarta Premier League oo garoonkeeda maalin soon-qaad ku afurisa muslimiinta degaanka.
MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular