spot_img
HomeARIMAHA BULSHADAMaxkamada Ciidamadda Oo Saaka Laba Qof Ku Toogatay Magaalada Baydhabo

Maxkamada Ciidamadda Oo Saaka Laba Qof Ku Toogatay Magaalada Baydhabo

Axad 19 March 2023 {HMC} Magaalada Baydhabo waxaa saaka xukun dil toogasha ah lagu fuliyay laba qof oo hore dilal uga geystay xarunta gobolka Baay

Dar Xuseen Maxamed Cabdi Nuur iyo Abaadir Isaaq Nuur ayaa lagu fuliyay xukunkii toogashada ah oo ay kal hore ku rideen heerarka Maxkamadda Ciidamada

Sida wararku sheegayaan, marxuumiinta Midna hore ayuu u Dilay xaaskiisa halka kan kale uu Dilay askari ka tirsan Boliiska

Cara tuurka oo ah woqooyiga Baydhabo ayay toogashadani ka dhacday Saaka, waxaana halkaasi usoo daawasho tagay shacab badan oo ay ku jireen ehelka dadka la tooganayay iyo kuwa qisaasta loo fulinayay

 

 

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular