spot_img
HomeARIMAHA BULSHADAxaaladda Magaalada Laas-Caanod oo Saaka Dagan ka Dib Dagaal ka dhacay halkaasi

xaaladda Magaalada Laas-Caanod oo Saaka Dagan ka Dib Dagaal ka dhacay halkaasi

Axad 19 March 2023 {HMC} Waxaa saaka degan xaaladda Magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool, halkaas oo shalay dagaal saacado badan qaatay uu ku dhexmaray Ciidamada Somaliland iyo kuwa degaanka ee la Magac baxay SSC

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in dhinacyadu ay weli isku hor-fadhiyaan Goobihii ay ku dagaalameen ee duleedka Magaalada Laas-Caanood, waxaana dagaalkii shalay ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ah

Dad ku sugan Magaalada Laas-Caanood ayaa sheegay inay dareemayaan cabsi ku aadan in markale dushooda lagu dagaalamo maadaama weli ay ishor-fadhiyaan dhinacyadi dagaalamay

Somaliland iyo xoogaga SSC ayaa guulo ka kala sheegtay dagaalkii shalay ku dhexmaray duleedka Magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool, iyada oo saaka xaaladu ay tahay mid degan.

 

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular