Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalkii Cuslaa ee maanta ka dhacay Gaalkacyo iyo Xaalada Magaalada oo caawa kacsan

0
431

Waxaa maanta Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug mar kale ka dhacay dagaal xoogan oo qasaaro kala duwan dhaliyay , kaa oo u dhaxeeyay Ciidamada kala taabacsan maamulka Galmudug iyo Puntiland.

Dagaalka maanta oo la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan iyo madaafiic culus ayaa waxaa ka dhashay qasaaro dhimasho iyo mid dhaawac oo soo kala gaaray Dhincyadii dagaalamay iyo dad shacab ah.

Inta la xaqiijiyay 7-qof oo u badan dhinacyadii dagaalamay iyo dad shacab ah ayaa manta ku geeriyooday dagaalka mar kale ka dhacay Magaalada Gaalkacyo, waxaa sidoo kale dagaalka ku dhaawacmay dad ka badan 20-qof kuwaa oo dhaawacyadooda la dhigay Isbitaalada kuyaala Gaalkacyo.

Dagaalka maanta ayaa ka xooganaa dagalaadii horey uga dhacay Magaalada Gaalkacyo, waxaana dagaalka maanta la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan iyo madaafiic culus oo lagu garaacay xaafadaha kala duwan ee Magaalada Gaalkacyo.

Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ayaa caawa sheegaya in xaalad kacsanaan ah ay ka jirto Magaaladaasi, waxaana farumaha hore ee dagaalka laga maqlayaa rasaas teel teel ah ay is dhaafsanayaan labada ciidan ee maanta dagaalamay.

Waxaa Caawa kasocda Koonfurta iyo Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo shirar kala gooni gooni ah ay yeelanayaan maamulada halkaasi ka jira iyo xubno katirsan Guddiyadii Dowlada Soomaaliya u xil saartay daminta xiisada Magaalada Gaalkacyo.

Dagaalkii maanta ka qarxay Magaalada Gaalkacyo ayaa labada maamul ee Puntiland iyo Galmudug midbo midka kale ku eedeeyay masuuliyada bilaabashada dagaalkaasi, mana jiro ilaa hada ilo madax banaan oo xaqiijin kara cida masuulka ka aheed dagaalka manta mar kale ka qarxay Gaalkacyo.

Heshiiskii shalay Magaalada Gaalkacyo kuwada gaareen Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntiland ayaa u muuqda mid fashilmay , waxaana dad badan ay manta filayeen in lakala qaado ciidamadii dagaalamaya , hasa ahaatee xaalada ayaa mar qura isku badashay in Gaalkacyo mar kale dagaal marti galiso. 

SHARE