Saturday, February 4, 2023
spot_imgspot_imgspot_imgspot_img
HomeWARARKAWararkii Ugu Dambeeyay Khasaaraha Ka Dhashay Qaraxii Ka Dhacay Garoowe

Wararkii Ugu Dambeeyay Khasaaraha Ka Dhashay Qaraxii Ka Dhacay Garoowe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax maanta lala eegtay shaqaale u shaqeynayay Qaramada Midoobay oo lagu qarxiyay magaalada Garoowe ee xarunta gobalka Nugaal.
Inta la xaqiijiyay waxaa halkaasi ku geeriyootay 7 qof oo Laba ka mid ah ay Ajnabi yihiin, iyadoo dad badan ay ku dhaawacmeen, waxaana dadka waxyeelada soo gaartay la sheegay in 7- ay gaarayaan, iyadoo dadka dhaawaca ah ay ku jirto haweeney la sheegay in dhanka waxbarashada u qaabilsan tahay Qaramada Midoobay.
Wararka qaar ayaa waxay sheegayaan in qaraxaan uu Ismiidaamin ahaa, islamarkaana uu fuliyay qof ka mid ah shaqaalaha oo gaariga saarnaa.
Ciidamada ammaanka ayaa wada baaritaan ku aadan qaraxaan dhacay, sida uu u dhacay iyo cidda ka dambeysan, waxaana dhanka kale weerarkaasi sheegtay in ay ka dambeeyaan Al-shabaab.

MUQAALADA

ENGILSH NEWS

Somali children play football on Mogadishu streets as city hosts high-level...

0
Friday February 3, 2023 By Mohammed Dhaysane. MOGADISHU, Somalia Somali children came out Wednesday in the nation’s capital to play football on the streets as the...