Monday, May 29, 2023
spot_imgspot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeWararkii ugu dambeeyay Shabaab oo weeraray Jalalaqsi iyo Mahadaay
Array

Wararkii ugu dambeeyay Shabaab oo weeraray Jalalaqsi iyo Mahadaay

Xoogaga Ururka Al Shabaab, ayaa xalay siyaabooyin kala gedisan waxay u weerareen Degmooyinka Mahadaay & Jalalaqsi Ee Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Weerarka 1-aad, ayaa waxay caweysnimadii ay ku qaadeen Degmada Jalalaqsi, waxayna xabadda ka bilaabatay Suuqa Jalalaqsi, ka dib markii ay si dhuumaaleysi ah u soo galeen mintidiinta Ururka Al Shabaab.
Ciidanka Xooga Dalka oo gacan ka helaaya Xoogaga Midowga Afrika ee Amisom, ayaa waxay dib Degmadaasi kaga saareen Shabaabkii soo weeraray. Waxaana jira warar sheegaaya inay horey u sii qaateen meydad iyo dhaawacyo.
Shabaabka, ayaa saqdii dhexe waxay sidoo kale ay weerar kulul ku galeen Degmada Mahadaay, dagaalka wuxuu xoogiisu ka dhacay gudaha Degmadaasi, markii ay ka soo gudbeen daafacyada hore ee Ciidamada Dowladda.
Ciidamada Dowladda iyo Amisom waxay iska caabin xoog badan leh ugala hortaggeen mintidiinta, waxayna saacad ka dib ka riixeen goobihii ay ka dagaalamayeen.
Dadka deegaanka, ayaa soo sheegaaya in Shabaabku markii hore ay ku gacansareeyen dagaalka, laakiin waqti dambe uu culeys weyn kaga yimid Ciidamada Huwanta, lagana riixay Degmada.
Inkastoo ay adag tahay in faah faahin laga helo khasaaraha ka dhashay dagaalka, ayaa waxaa hadana jira warar madax bannaan oo sheegaaya, in uu jiro khasaaro labada dhinac ka soo kala gaaray dagaalka.
MUQAALO

WARARKII UGU DANBEEYAY