Saakay aroor hore abaaro 5:40-daqiiqo ah waxaa weerar gaari Ismiidaamin ah loo adeegsaday lagu qaaday Hotelka Saxafi oo kuyaala Isgooska KM-4 ee Magaalada Muqdisho, waxaana qaraxaasi kadib dhismaha Hotelka ku yaacay dagaalyahano hubeesan oo katirsanaa Al-Shabaab.
Dagaalyahanada gudaha Hotelka galay ayaa durba bilaabay in ay rasaas la beegsadaan qof kasta ay gudaha Hotelka ku arkaan, waxa ay sidoo kale bambooyin ku jabinayeen qaar kamid ah albaabada qololka Hotelka .
Markii weerarkii hore dhacay ayaa Daqiiqado kadib albaabka hore ee Hotelka Saxafi waxaa ku qarxay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo la dhigay halkaasi, qaraxaasi ayaana ahaa midka qasaaraha ugu badan gaarsiiyay dad shacab ah iyo Ciidan.
Weerarka lagu qaaday Dhismaha Hotelka Saxafi waxaa ku dhintay dad kor u dhaafaya 20-qof ay ku jiraan Xildhibaan lagu magacaabo Abtidoon Koofi Shabaq , Abaanduulihii hore ee Ciidanka Xooga Soomaaliyeed Jen. Cabdi Kariin Dhagabadan iyo Cabdirashiid Ilqeyte oo ahaa ganacsade caan ah sidoo kale ahaa Milkiilaha Hotelka.
Waxaa sidoo kale Weerarka lagu qaaday Hotelka Saxafi ku dhintay dad badan oo shacab ah uu ku jiray Sawir qaade katirsanaa Idaacada Shabelle sidoo kale la shaqeenayay Telefishinka Al-Jaziira, waxaa sidoo kale weerarkaasi ku dhintay dad gaadiid iyo mootooyin saarnaa oo laamiga marayay xiliga ay qaraxyada dhacayeen.
Ciidamada Nabad Sugida gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran oo deg deg kusoo gaaray Hotelka Saxafi ayaa dagaal saaacdo qaatay kadib waxa ay ku guuleesteen in ay soo afjaraan howlgalka iyagoona dhamaan wada toogtay ragii hubeesnaa ee Hotelka qabsaday.
Wasiirka Amniga gudaha C/risaaq Cumar Maxamed, ayaa sheegay in Ciidamada amaanka gaar ahaan kuwa Nabad Sugida ay ku guuleesteen in ay soo afjaraan howlgakii ay ku galeen Dhismaha Hotelka Saxafi ay qabsadeen xubno katirsan Al-Shabaab.
Waxa uu xusay Wasiirka in Hotelka ay weerarka kusoo qaadeen 5 ruux oo katirsan Al-Shabaab , islamarkaana dhammaantood la toogtay, haatanna la wado tirakoob ku aadan dadkii ku dhintay kuna dhaawacmay weerarkaasi.
Weerarka saakay lagu qaaday Hotelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho ayaa saameyn badan ku yeeshay Laamiga Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho, Hotelka ayaana ku yaalay goob muhiim ah oo amaakeeda si weyn loo ilaalin jiray.