Saturday, February 4, 2023
spot_imgspot_imgspot_imgspot_img
HomeWARARKAWarbixin maanta laga soo saarayo MH17 ee Dalka Malaysia

Warbixin maanta laga soo saarayo MH17 ee Dalka Malaysia

Warbixintii ugu horreysay ee rasmi ah ee laga sameeyo diyaaraddii Malaysia ee uu duulimaadkeedu ahaa MH-17 ee sanadkii la soo dhaafay ku dul burburtay deegaanka ay colaadda ka taagan tahay ee bariga Ukraine ayaa lagu wadaa in maanta lagu soo bandhigo dalka Netherlands.

Guddiga Badbaadada Holland ayaa waxa ay u badan tahay in uu xaqiijiyo in gantaal uu soo diray diyaaradda u kala socdaalaysay magaalooyinka Amsterdam iyo Kuala Lumpur, hasayeeshee lama filayo in ay sheegaan cidda soo ridday gantaalkaasi.

Waxa ay qaraabada dadkii ku dhintay shilka u noqon doontaa maalin muhiim ah oo dareen xambaarsan.

Waxa ay rajaynayaan in warbixinta rasmiga ah ay soo gebagabayn doonto mala awaalka ku aaddan waxa sababay burburka diyaaradda.

Waxaa la filayaa in warbixintan ay xaqiijin doonto shakiga ballaaran ee laga qabo in diyaaradda uu haleeyay gantaalka BUK ee uu Ruushku sameeyo.

Dabcan warbixintu kama jawaabayso su’aasha muhiimka ah ee ah cidda ka dambeysay in diyaarada ay burburto.

diyaarad

MUQAALADA

ENGILSH NEWS

Somali children play football on Mogadishu streets as city hosts high-level...

0
Friday February 3, 2023 By Mohammed Dhaysane. MOGADISHU, Somalia Somali children came out Wednesday in the nation’s capital to play football on the streets as the...