fbpx
spot_imgspot_imgspot_imgspot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 395
HomeWariye Iyo Xaaskiisii iyo Nin Fuundi ahaa oo Xalay lagu dilay ...
Array

Wariye Iyo Xaaskiisii iyo Nin Fuundi ahaa oo Xalay lagu dilay Baydhabo

Wariye Daa’uud Cali Cumar oo ka tirsanaa Idaacadda Baydhabo ee gobolka Bay iyo xaaskiisa ayaa xalay gurigiisa lagu dilay, iyadoo ay dileen kooxo hubeysan oo aan la garanayn, waxaana lagu dilay goobta qof saddexaad oo lagu magacaabi jiray Cali Gaajo.

Saddexdan qof ee xalay Baydhabo lagu dilay ayaa waxay noqonayaa kuwii ugu badnaa ee habeen qura lagu dilo Baydhabo dhowrkii bilood ee ugu dambeeyay, iyadoo kooxihii dilkooda geystay ay baxsadeen.

Dilalka shacabka loogu geysanayo xalay guryahooda Baydhabo ku yaalla ayaa waxaa sidoo kale horay loogu dilay guryahooda culummaa’uddiin, nabadoonno iyo waxgarad magaalada si weyn looga yaqaannay.

Ugu dambeyn, ciidamada Amniga ayaa howlo baaritaanno ah kawada gudaha magaalada Baydhabo, si ay gacnta ugu soo dhigaan kooxihii falalkii dilalka ahaa ee xalay dhacay ka dambeeyay.

MUQAALO

WARKA DUHURNIMO

{DAAWO SAWIRADA} Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Qarax Ismiidaamin Ah oo...

0
Jimco Sebtembar 29, 2023 {HMC} Warar dheeraad ah ayaa ka so baxaayo qasaaraha ka dhashay qaraxii Ismiidaaminta ahaa oo galabta ka dhacay Maqaaxi ku...