Tuesday, June 6, 2023
spot_imgspot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
Array

Wariyeyaal lagu xiray Magalada Dhuusamareeb Ee Gobolka Galgaduud

Masuuliyiinta Maamulka Gobolada Dhexe ee Magaalada Dhuuusamareeb ayaa Xabsiga dhigay Sadex wariye oo ka mid ah wariyayaasha magaalada dhuusamareeb Kuwaasi oo waqtigaan ku jira Xabsiga Magaaladaasi.

Wariyayaasha xiran ayaa kala ah Maxamed Deeq Cabdi Maxamed oo U shaqeeya warbaahinta Dawlada SNTV iyo RM, C/jamaal Macalin Axmed oo u Shaqaya KalsanTV iyo Radio Bar-kulan iyo Bashiir Maxamed Salaad (Bashiir Sanka) oo u wakiil wareed u ahaa Horn CableTV.
Wariye Maxamed deeq cabdi Maxamed iyo Bashiir Sanka ayaa 8:30pm laga qabtay gudaha magaalada iyagoo ku caweynayay baar ku yaala Gudaha magaaladaasi waxaana la iisheegay in askarta Maamulka Gobolada dhexe ay ku amreen inay raacaan kuwaasi oo dhigay xabsiga iyagoo ka qaatay telfoonadoodii gacanta.
Wariyaha sadexaad ee C/jamaal Macalin Axmed ayaa 10:00pm laga watay gurigiisa kadib markii ay gaareen Ciidamo ka tirsan maamulka Gobolada dhexe oo ka soo dhex watay wariyaha xili uu la caweynayay Caruurtiisa.
Maamulka Goboada Dhexe ayaa maalmahaan waday amaro adag kuwaasi oo ay horey iigu sheegeen in ay u waceen maamulkaasi wariyayaasha maalmo ka hohor waxayna ku amreeninay is diiwaan gashaan.
Maamulka Gobolada Dhexe oo adeegsada Ciidamada Ahlusufa ayaa tan iyo markii ay qabsadeen magaalooyinkaasi waday tacadiyo ka dhan ah saxafiyiinta Gobolada dhexe.

Dhuusamareeb

MUQAALADA

WARARKA

Baarlamaanka Somaliland oo laalay xubinimadii C/risaaq Khaliif

Talaado-june-06-6-2023-{HMC}  Baarlamaanka Somaliland ayaa Talaadada maanta ah waxa uu sheegey inuu laalayo xubinimadii Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif, Talaabadan ayaa salka ku haysa eedeymo loo jeediyey ay...