Wasiirka Wasaaradda Shidaalka iyo macdanta Maxamed Mukhtar Ibrahim oo ka hadlay werarkii shalay ayaa ku tilmaamay mid wuxushnimo ah kaasi argagixisada Al-shabaab ay ku soo qaadeen Wasaaradaha Shidaalka iyo Waxbarashada isla markaana ay ku guul dareysteen isku daygoodii ahaa in ay hakad galiyaan dib u dhiska qaranka.
Waxaa uu ugu hambalyeeyay ciidanka geesinimada ay markiiba kusoo afmeereen weerarkaasi.
“Waxaa sharaf noo ah in hay’adahani ay halkooda ka wadayaan hawlihii qaran ay u hayeen umadda. Waxayna taasi calaamad u tahay dhabar adeyga umadda Soomaliyeed ay u leeyihiin dhibaatooyinka ay nabdiidku ku hayaan, waxaan anaguna balan qaadaynaa in aan hoos uga dhicin higsiga umadda.” Ayuu yiri
Wasiirka Waxaa uu tacsi u diray qoysaska iyo shacabka Soomaaliyeed ee kuwii ay jeclaayeen lagu dilay weerarkaasi foosha-xun,. Wuxuu Allaha uga baryay in uu u naxariisto inta dhimatay, caafimaad deg deg ahna siiyo inta ku dhaawacantay.
—DHAMMAAD—-