Monday, May 29, 2023
spot_imgspot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeWasarada Arimaha Gudaha Soomaaliya Oo War Ka sosaartay Ka hor Natiijada Doorashada...
Array

Wasarada Arimaha Gudaha Soomaaliya Oo War Ka sosaartay Ka hor Natiijada Doorashada Galmudug

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay garab istaag buuxa ah siineyso Madaxweynaha maanta lagu doorta magaalada Cadaado.

C/raxmaan Odawaa oo ka hadlayay Xalada furitaanka doorashada Madaxweynaha Galmudug oo ka socota Cadaado ayaa ka hadlay howsha dheer ee loo soo maray dhismaha Maamul goboleedka Galmudug.

“Howshan muddo dheer ayay soo socotay, runtii si heer sare ah oo ka duwan nidaamyadii hore ayuu Maamulkan hadda Madaxweynaha la dooranayo ayuu ku soo socday, waana bogaadinayaa howshaas”ayuu yiri Wasiir Odawaa.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa sheegay in taageerada dowladda Federaalka ee Musharaxii guuleysto aanu ku xirneyn shaqsiyaad, koox iyo aragti midna, balse ay ku xiran tahay sanduuqa doorashada cid kasta oo ku soo baxda.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in muddo 80-maalmood ay soo socotay howsha maamul u sameynta Gobollada Dhexe, isagoo tilmaamay in 46 maalmood ka mid ah uu isaga goob joog ka ahaa kuna sugnaa magaalada Cadaado.

Wasiirka ayaa bogaadiyay Maamulka Ximan iyo Xeeb oo marti geliyay maamulkan, isagoo tilmaamay in dowladda aanay wax kaalmo ah ku siin qaban qaabada shirka iyo marti gelinta kumanaanka ruux ee ku sugan Cadaado.

Guddiga doorashada ayaa sheegay in cod bixinta ay noqon doonto mid qarsoodi ah, isla markaana lagu kala guuleysan doono cod hal dheer ah 50+1 musharaxii intaas helana waa Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug.

Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo goor dhow bilaabaneysa ayaa waxaa ku tartami doono lix Musharax oo kala ah Axmed Cabdisalaan, Axmed Macalin Fiqi, C/kariin Xuseen Guuleed, Cabdi Qeybdiid, Maxamed Cilmi Afrax iyo Xasan Maxamed Nuur Qalaad.

 

Wasiir Odawaa

MUQAALO

WARARKII UGU DANBEEYAY