Munaasabadan oo qeyb ka ah olalaha uu maamulka gobolka Banaadir ku wacyigelinaayo bulshada Soomaaliyed ee ku nool mgaalada Muqdisho sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen nabadgelyada,bilicda deeganka iyo bixinta canshuuraha ayaa waxaa lagu qabtay xarunta degmada Waaberi waxaa munaasabadaasi ka soo qeyb galay wasiirka arimaha gudaha iyo federaalka Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen maamulka gobalka Banaadir  fanaaniin,qeybaha kala duwan ee bulshada iyo marti sharaf kale.
Intii ay munaasabada soctay ayaa fanaaniinta Shamsu-diin Band,Ubaxa degmada Waabari iyo Barbaarta gaashaman waxey goobta ku soo bandhigeen suugaan ka turjumeysa Hidaha iyo Dhaqankeena suuban iyo sidii shacabka ay ahmiyad u siin lahaayeen dib u dhiska dalka.
Gudoomiyaha degmada Waabari Axmed Muumin Maxamed ayaa goobta ka sheegay in bulshada ku nool degmada Waabari ay yihiin bulsha isku xiran oo la shaqeeya hey’adaha amaanka iyo maamulkooda.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab”ayaa ku amaanay maamulka degmada Waabari iyo bulshada ku nool sida ay isugu xiran yihiin isagoo Ku booriyay in la dardargaliyo soo celinta bilicda deeganka.
Wasiirka wasaarada arimaha gudaha iyo federaalaka Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen oo munaasabada ka hadlay ayaa kula dar daarmay shacabka Soomaaliyed in laga wada qeyb qaato nadaafada,nabadgelyada,dib udhiska iyo bixinta canshuuraha si loo fuliyo adeegyada aas aasiga ah ay bulshada u baahan tahay.
Maamulka gobalka Banaadir oo kaashanaya shacabka ku nool magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkan dambe waxaa ay wadeen olole lagu wacyigelinaayo bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada caasimada Muqdisho sidii ay kaalin uga qaadan lahaayeen soo celinta bilicda yo bixinta canshuuraha guud ahaan gobalka banadiir,